Som doctor

Som doctor

Share

Kala soco qodobo caafimaad la talin caafimaad oo aad ku anfici doona uguna faaidey walalahaga qoyskada iyo dhamaan musliminta

NOOSE BLEEDING 27/09/2022

NOOSE BLEEDING Ekfashinka Madhaleysnimo Caado wareerka Drmiiraan

LEARN MORE ABOUT GASTRITIS 27/09/2022

LEARN MORE ABOUT GASTRITIS Ekfashinka Madhaleysnimo Caado wareerka Drmiiraan

08/12/2021

Qumanka – Tonsilitis

Dhunta danbe ee hungurigaaga waxaa ku yaal qumankaaga. Labada kubadood ee qumanku waxay ku kala yaalaan labada dhinac ee bidixda iyo midigta. Shaqada qumanka waa inay jirka ka difaacaan jeermiska ka soo gala sanka iyo afka. Mararka qaar qumankii wax difaacayay ayaa jeermigu ka adkaadaa oo laftigoodii ayaa caabuq galaa, markaas ayay timaadaa quman-barar ama Tonsilitis.
Maxaa keena Qumanka?
Sidaan horay u sheegnay waxaa keena qumanka marka ay caabuqaan qanjirada qumanku. Inta badan waxaa keena jeermiyada Baakteeriya iyo Fayraska. Noocyada fayrasyada ee keena hargabka ayaa u gudba hunguriga iyo qumanka, sidoo kale Nooca baakteeriyada ee la yiraahdo Group A streptococcus ayaa ah nooca ugu balaaran ee keenta qumanka.
Cuddurka qumanka – Tonsilitis si xun baa la isagu gudbiyaa oo meelaha iskuulada iyo dugsiyada carruurtu iyo xitaa qoysaska waa ku kala qaadaa. Waxaa lagu kala qaadaa qufaca, hindhisada iyo taabashadaba. Cuntada la wadaago sida cabitaanada ayaa si aad ah laysugu gudbiyaa qumanka.
Calaamadaha Qumanka
Haddii ilmuhu qabo qumanka cunnahooda waxay ka dareemaan xannuun badan, oo keena inaysan wax liqi karin ama cabi karin. Waa kuwaan calaamado kale:

Barar iyo gadduutan badan oo ay qumanku yeeshaan.

Qandho saa’id ah.

Qanjirada luqunta oo barar yeesha.

Ur aan carfoonayn oo afka ka soo baxda.

Qufac iyo xabeeb.

Mararka qaar Matag, lallabo iyo callool xannuun.


Sidee loo daaweeyaa qumanka?
Haddii qumanka la ogaado in baakteeriya keentay waxaa loo qoraa ilmaha daawo Anti-biyootig ah, oo la dagaalamaysa infekshinka baakteeriyada. Sidoo kale, waxaa ilmaha la siin karaa daawooyinka Paracetamool oo daaweeya qandhada iyo xannuunka iyo ipubrufen oo loo isticmaalo ka hortaga bararka, qandhada iyo xanuunka.
Haddii la ogaaday in fayras keenay qumanka waxaa ilmuhu u baahan yahay qandho jabin, fuuq-celin iyo nasaho, waayo jirka ayaa iska difaacaya fayraska.
Haddii ilmuhu uusan helin daawayn, gaar ahaan marka qumanka ay sababeen ba

Photos from Som doctor's post 02/12/2021

MAXAA SABABA DHALMA LA AANTA ( INFERTILITY)

Maxaa sababa dhalma la’aanta ee ragga?

Sababha ugu caansan ee ragga aysan udhali ayaa katimaada dhibaatoyinka xaga minida sida:
Cadadka manida oo yar: Shahwada waxaa ku dhex jira mani (sperms) tasoo ah 50% waxa loo baahan yahay si ay ubacrimiso ukumaha dumarka.
Dhaqdhaqaaqa manida oo yar: waxaa loo baahan yahay iney manida udhaqaaqdo meesha ay taalo ukunta si ay u bacrimiso, hadii aysan dhaqaaqin waxa bacrimin ah ma sameynkarto
Manida oo si aan fiicnayn usameysmata
Meeshi ay minida kasoo bixi lahayd oo xiranta
Dhibaatada kale ee ku dhici karta ragga ayaa ah, iney hoos udhacdo soo saarka manida si ku meel gaar ah, waxayna dhici kartaa marka uu dhaawac soo gaaro xiniinyaha, sida marka ay kululaadaan in mudo ah, ama ninka uu isticmaalo kiimikooyin ama dawooyin saameyn kara manida. Cabidda khamriga iyo cabidda sigaarka ayaa hoos udhigi karo cadadka mani ee ku jirta shahwada, sidoo kale ragga kaweyn 40 sano ayaa hoos udhaca awooda ay wax ku bacrimin karaan.

Maxaa sabab dhalma la’aanta ee dumarka?

Sababta ugu wayn oo ay dumarka u dhali karin ayaa ah, ugxaantooda oo aan soo sarin ugun, waxaa kaloo jira dhibaatooyin ka dhici kara tubada ay soo raacdo ukunta oo loo yaqaano Fallopian tube, sababtoo ah mararka qaar tubooyinka ayaa waxaa xiri kara nabar ka dhalasha infekshan loo yaqaano Endhomitriyoosis. Cabidda sigaarka ayaa hoos udhigi karta fursadaha dhalmada ee dumarka, wuxuu kaloo siyaadiyaa fursadaha in uurjiifka uu galo tubooyinka soo qaada ukumaha.
Da’da ayaa ku noqon karta dumarka mid aan usaamixin iney qaadaan uur, fursadaha in ukunta la bacrimiyo ayaa hoos udhac wayn ku yimaada mar hadii dumarku ay gaaraan 35 sano, waxaa dhif ah in dumarku ay qaadaan uur wixi ka dambeeya 45 sano.
Dhibaatooyinka kale ee sababi kara dhalma la’aanta waxaa ka midka in xaaska ay cayilantahay ama ay caata siyaada tahay.

01/12/2021

MAXAAD KA TAQAAN CIRID DHIIGA?

Cirrid dhiigga waa calaamada ugu badan ee cudurada ciridka lagu arko, Laakiin waxay sidoo kale ay tilmaami kartaa dhibaatooyinka kale oo caafimaad,

Inta badan Soomaalida waxa ay u qabaan halka uu dhiiggu ka yimaado in ay yihiin ilkaha lkn ma ahn oo waa ciridka,
Dhiig-baxa mararka qaarkood ee cirridka waxaa sababi kara in aad si xoogan ilkahaaga u cadeysato oo ah si aan u habooneyn caafimaadka ilkaha
Dhiig-baxa joogtada ah ee ciridka wuxuu kaloo sheegi karaa xaalado halis ah, oo ay ka mid yihiin:
-periodontitis (oo ah mid kamid cudurada ku dhaca ciridka)
-leukemia ( oo iyaduna ah kansarka ku dhaca dhiigga)
-vitamin deficiency ( oo iyaduna ah in fitimiiniaku ay jirkaada ku yar yihiin
-lack of platelets ( oo iyaduna ah in in dhiigga qaybta xinjireysa ay jirkaada ay ka maqantahay,
MAXAA SABABI KARA IN ILKUHU AMA CIRIDKU AY DHIIGAAN MARKA AAD CADEYSANEYSO?
– in aad qabto caabuqa ku dhaca ciridka ee loo yaqaano( Gingivitis) oo ah midka ugu badan ee sababa cirid dhiigga waxaana caabuqan ciridka ku dhaca inta badan sababa huurada oo ku aruurta ciridka oo aadan si fiican u cadeysan ama aadanba cadeysan jirin dabadeed halkaas ay ku dhalato bakteeriyo sidaasna uu caabuq ugu dhaco ciridka mar walbana uu dhiigo,
-Periodontitis oo ah isna caabuq halis ah ku dhaca ciridka iyo lafaha hoose afka iyo daanka ayaa sababi kara cirid dhiigga xanuunkanna waxa uu yimaada marka aad iska daaweyn waydo caabuqii kore ee isna keenayey cirid dhiigga ee loo yaqaaney (Gingivitis) waxa uu keeni karaa hadii aan la iska daaweyn ugu danbeyn in ilkuhu ay kaa daataan.
-Fitimiiniska K iyo C oo jirkaada ku yaraada ayaa keeni kara cirid dhiigga.
– sidoo kale hooyada uurka leh ayaa iyaduna caan ku ah cirid dhiigga taas oo u keeneysa isbadalka ku yimid hoormoonada jirkeeda,l waana xaalad inta badan caadi ah oo ay hooyadu ka bogsato marka ay dhasho oo ay saxmaan hoormanadeeda.

24/11/2021

CUDURKA WARAABOWGA (ISFIILATADA)

Isfiilatadu waa cudurrada lagu kala
qaado galmada oo layska qaado marka
ay istaabtaan xubnaha galmada. Cudurka
waxaa xataa gudbin karta
hooyada oo u gudbin karta ilmaha inta ay
uurka ku jiraan ama haddi ay dhiig u shubto. Heerarka isfiilitada. Isfiilitada
waxay martaa seddex heer: HEERKA 1aad
Qiyaastii seddex usbuuc kadib marka
qofka ku dhacdo isfiilatada waxaa jirka
ka soo
baxaya boog ay galeen bagteeriyo. Boogtu waxay badanaa ka soo baxdaa
xubnaha galmada, laakiin wey ka soo
bixi kartaa xataa futada, afka gudihiisa
ama meelo kale ee oogada ka mid ah.
Boogtu xanuun saas ma laha, dhowr
usbuuc kaddibna iyadaa iskeeda u baaba da
iyadoo aan la daweyn. Qanjirada u dhaw
boogta wey bararayaan, laakiin lama
dhibsado. Markan waxaa lagu jiraa
heerka 1aad ee cudurka aadna looma
garto. HEERKA 2aad Haddii cudurka aan wax looga qaban
heerka 1aad, wuxuu laba bilood kaddib u
gudbayaa heerka 2aad. Dhibaatooyinka
caadiga u ah heerka 2aad waa firiirac ka
soo baxa meelo kala duwan ee oogada
ah, timaha oo daata, qanjirbarar, xoogaa qandho ah, madax xanuun iyo daal.
Haddii cudurka aan lagu daaweyn heerka
2aad, wuxuu u gudbayaa heer cusub oo
uu qarsoon yahay, kaasoo qofkana uusan
wax dhibaato ah qabin. Isku daarashada
xaga galmadana wey yaraaneysaa , laakiin weli waa la qaadsiin karaa
ilmaha uurka ku jira. HEERKA 3aad
Sanado badan keddib wuxuu cudurku u
gudbi karaa heerka 3aad, markaas oo uu
weeraro maskaxda, wadnaha, haragga
iyo lafaha. CALAAMADAHA LAGU GARTO Wejiga 1aad (Xilliga h**e ee
waraabowga)
Calaamaduhu waxay soo muuqdaan
1-12 toddobaad ka dib marka cudurka la
qaado
1:Nabarro aan xanuun lahayn oo ka soo baxa afka, xubnaha taranka ama dabada
2:Nabaradu waxay ku qarsoonaan karaan
gudaha xubinta taranka
haweenka ama malawadka
Nabaradu
waxay gaaraan 1-5 toddobaad Nabaradu way baaba’aan, laakiin
waraabowgu weli wuu ku jiraa dhiigga
Wejiga 2aad (Xilliga labaad ee
waraabowga)
Calaamaduhu waxay soo muuqdaan 6
toddobaad ilaa 6 bilood ka dib

Photos from Som doctor's post 20/11/2021

Cudurada maqaarka - liiska cudurada ugu caansan

Ka baxsan, jirka bini'aadamku wuxuu difaacayaa xubnaha ugu weyn, sidaas darteedna waa mid aad u nugul. Maqaarku wuxuu ka kooban yahay 3 lakab, epidermis, dermis iyo nudaha dufanka, mid kasta oo u nugul cudurada kala duwan. Si aad u bilowdo daaweyntu waa muhiim in la ogaado qaababka iyo astaamaha cuduradaas, muuqaalkooda dibadeed
Noocyada cudurrada maqaarka

Waxaa jira dhawr fursadood oo lagu kala soocayo kooxda la sharraxay ee xanuunka iyada oo ku xiran halka ay ku yaalaan, nooca koorsada, sawirka kiliinikada. Si fudud, cudurrada maqaarku badanaa waa ay kala duwan yihiin sida ay u kala horreeyaan. Marka la caddeeyo waxyaabaha keenaya dhibaatada marka la eego, way sahlan tahay in la sameeyo ogaanshaha saxda ah iyo in la qoro hab wax ku ool ah.

Qeybinta cudurrada dermatoloji

Asal ahaan, kooxda cudurada quudinta ee la soo bandhigay waxay u qaybsan yihiin noocyada soo socda:

Cudurada bakteeriyada maqaarka.Waxay badanaa keenaan staphylococci iyo streptococci, oo ay inta badan la socdaan geedi socodka xayawaanka.

Cudurada Viral. Sababta ugu badan ee cudurrada maqaarku waa herpes, waxay u egtahay inay soo noqoto.

Jirrada fangasta. Muuqaal aad u kala duwan oo kooxdan ah ayaa ah isbeddel ballaaran ee daaweynta.

Cudurada maqaarka ee ba'an ee dadka. Noocaan xanuunka noocan ah ayaa ka xanaajiya noolaha microscopic.

Cudurada maskaxda. Waxay kobcayaan sababtoo ah waxqabadka aan habooneyn ee nidaamkooda difaaca.

Niyad jimicsiga jirka (kansarka maqaarka). Sababaha dhabta ah ee dhacdadoodii weli lama yaqaan.

Cudurada maqaarka - liiska

Wixii macluumaad ah ee ku saabsan wixii dhibaato ah, waa muhiim in la ogaado magaciisa saxda ah. Cudurka maqaarka ee microbial - magacyada:

folliculitis ;

finan;

leprosy;

impetigo

balanitis

granulomatosis

furunculosis

ectyma

Cabbiraad

keratolizis

erysipeloid

streptoderma

12/11/2021

Waa maxay Baabasiir?
Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada. Marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxa timaada babaasiir.
Xididka bararsani waxa uu saameyn karaa mareegta qaybteeda wax yar ka sareysa marinka futuda, halkasoo qaybtaasi aanay taageero sidaa weyn ka haysan duubka muruqa ah (sphincter), waxana taasi ay keentaa babaasiir gudaha ah. Ama waxa laga yaabaa inay
saameyso xididada ku yaalla xagga hoose ee marinka, meel wax yar ka hooseysa maqaarka, taasoo keenaysa babaasiir dibadda ah. Dadka qaarkii waxay qabaan labada noocba.
Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti ka mid ah noloshooda. Inkastoo ay xanuun leedahay lagana xishoodo, caadi ahaan ma aha xaalad culus.

Calaamadaha:
Calaamadaha lagu yaqaano waa:

Cuncun agagaarka futada

Dhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la saxaroodo

Xanuun iyo raaxo daro inta la saxaroonayo iyo wax yar ka dib

Barar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada

Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon

Marmarka qaarkood babaasiirta ku jirta gudaha marinka saxarada ayaa dibadda uga soo baxda futada. Waxa taa loo yaqaana babaasiir soo dhacday (prolapsed/prolapsing haemorrhoids). Marka ugu h**eysa, waxa laga yaabaa in babaasiirtu kaligeed dib iskaga noqoto, laakiin marka dambe waxa laga yaabaa inaad u baahatid inaad adiga dib u celisid adiga oo isticmaalaya fartaada.
Babaasiirta dibadda u soo baxsani waxay keeni kartaa cuncun maqaarka ah iyo raaxo-darro badanaana waxa jira axal ka yimaadaa xubinta axalka sameysa ee xadxatootay. Babaasiirtu waxay noqon kartaa mid bararsan, laakiin marmar dhif ah mooyaane aad uma xanuun badna, iyadoo la xiriira kala-dhambal ama kala-dilaacid dhab ah (futo dilaac).

Haddii babaasiirtu ay kuu keentay xanuun badan iyo raaxo-daro, waa inaad u tagtid Dhakhtar.

Sababaha:
Waxa loo haystaa in babaasiirta ay caloosha adagi sababto. Haddii calooshu ku adag tahay muddo dheer badanaana ay dhib kugu

13/10/2021

Calool fadhi
Calool fadhi ama calool istaag ama calool adayg :waa qofka oo si sahlan u saxaroon waayo ama saxaradu adkaato.
Caloosha ama saxarada oo adkaata: waa cillad da’ kasta ku dhici karta, waayeel iyo caruur intaba mana jirrto qof aysan soo marin cilada calool fadhiga waqti ka mid ah waqtiyada.
qofku hadii labo maalmood gudahood uu saxaroon waayo waxaa la dhihi karaa qofkaasi wuxuu qabaa calool fadhi ama calool istaag.
Sida lawada ogyahay marka qofku saxarada ku adkaato, waqti dheer ayuuu suuliga ku qaataa ama ‘’meesha lagu xaajoodo’’ isagoo soo riixa saxarada ama docda.. mararka qaar arintaasi waxay keentaa baabasiir ama futo qarar .
Calool fadhiga maaha cudur wayn oo laga baqo inkastoo mararka qaar uu noqda calaamad cudur…calool fadhigu wuxuu ku dhici karaa qofka xili kasta ..inta badan calool fadhiga wuxuu socdaa waqti kooban kadibna wuu dhamaadaa.
Dadka xagga booqashada suuliga way ku kala duwan yihiin; dadka qaar ilaa sadax jeer ayey qashin tuurka saxarada maalintii halka dadka qaarka ay illaa 3jeer oo kaliya ay todobadkii booqdaan suuliga …calool fadhiga iyo calool jileeca waxay ku kala xiran yihiin arimo badan oo ah;

Nooca cuntada uu cuno qofku

qaabka uu u cuno cuntada, inta jeer ee uu cuno

cirka qofka ee xagga cuntada iyo tayada dheefshiida qofka…. Sidoo kale waxaa saamayn ku yeesha caloosha cabista sharaabka ama dareeraha inta ay la egtahay nooca uu yahay mid jilciya caloosha iyo mid dhajiya caloosha

Imisa nuuc Ayuu u kala Baxaa Calool fadhigu?
caloool fadhiga wuxuu u kala baxaa:

A) calool fadhi ka yimid qaab daro xaga hab nololeedka

L) calool fadhi uu sababay cudur.

R) calool fadhi ay sababeeen dawooyin.

A) Calool fadhiga xagga qaab darada hab nololeedka

Calool fadhiga noocan waxaa lagu soo koobaa shan arimood oo kala ah :

Cuntada oo laga waayo bal ama liil

Cabista biyaha ama sharaabka ama wixii u dhigma sharaab -sida qarre -kale oo uu yareeyo qofku

Dufanka fiican ee jilciya caloosha oo uu qofku isticmaali waayo ama uu yareeyo si

05/10/2021

Asbaabaha Keena Calool Istaagga, Khataraha Ka Dhalan Kara
La soco goor dhaw

17/09/2021

DILANKA ILMAHA/DHICIS

DHICIS :waa marka ilmuhu si lama filaan usoo dhaco iyado wakhtigii uu dhalan lahaa aan la gaarin inta badan dhicisku ama dilanka ilmaha wuxuu dhacaa lixda bilood ee ugu h**eysa (first 12week)

MAXAA SABABA DHICISKA???

Xaalado badan ayaa hooyada ku sababi kara .khubarada ku takhasuusay waxay sheegan in 4tii uur oo gabadhu yeelato uu mid dhicis ku dhamaan karo.

1.sababo la xariira jirka gabadha ( Anatomical abnormality) hadii ilmo galeenka afkiisu uu daciif yahay waxa laga yaaba inuu bilaabo furitan marka ilmo galeenka sii cuslaado mar walba
SaaS ilmuhu kuso dhaco

2.xaalad hide side ama (chromosome abnormality) oo ah xaalad dhacda markii ukunta la bacriminaayo .markii shahwada gabadha iyo tan ninku si khaldan isgu tagaan. Waa xaalad inta ugu badan sababta dilanka ilmaha.

3. Infection sida virusyada loo yaqaan rubella virus , cytomegalo virus. Iyo bacterial infections

4. Drug abuse sida gabadha uurka leh oo sigaarka cabta ama alcohol ama daawoyin kale oo aan loo qorin isticmaasho

5.cuduro kale oo gabadha haya oo kuwa ugu saameynta badan ey ka mid yihiin sokorta (diabetic millaus) iyo cudurada qanjirka dhuunta ku dhaca ee loo yaqaan (thyroid disorders).

6. Hormones ka gabadha oo cilad ka jirto ama khalkhalsan. tusaale kiishash ku sameysma ukxan sidayaasha gbdh oo dheecanada khalkhal galiya.

7cilad difaaca jirka ah (immunological disorder) was xalad difaaca jirka uu ku arkaayo uur jiifka wax khaldan oo jirka halis ku keeni karta sida jeermiska oo kale.

CALAMADAHA DHICISKA / DILANKA ILMAHA LAGU GARTO ??

Hooyada waxey dareemysa xanuun caloosha inta badan xudunta hoosteda ah oo uu ka danbeeyo dhiig ka yimaado xubinta taranka dhiigas wuxuu naqan karaa mid xinjiro badan lasocdan oo maamada la dhigi kara anaemia marmar qaarkood
Dhicisku wuu noocyo badan yhy.inkastoo qeyb kamid ah gabadhu dareento calamada San kor kuso sheegay lkn uu uurka sii socdo oo uusan so dhicinba.

14/09/2021

MAXA KEENA DHIIGA KA YIMAADA GABADHA UURKA LEH

Marar badan ayay noqotaa wax aan halis ahayn in dhiig yimaado iyadoo uur la leeyahay, waa arrin dumar badan ku dhacda.. Dhiigu waxaa uu noqon karaa mid khafiif ah, mid buni (kafee) ah, ama mid u eg dhiigii caadada.
Dhiigga khafiifka ah ama midka buniga ah inta badan ma ahan wax khatar ah laakiin hadii uu kaa yimaado dhiig u eg midka caadada ama hadii ay la socdaan cillado kale sida hadii caloosha lagaa qabto, ama uu ku xanuuno farjiga ama gumaarka waxaa muhiim ah inaad si joogto ah ula xiriirto dhakhtarkaaga.
Maxaa keeni kara dhiiga ka yimaada gabadha uurka leh?
Sababo badan oo kala duwan ayaa dhiigaan keeni kara waxaana ka mid ah:

Samaysmiga ilmaha: waa arrin caadi ah in dhiig la isku arko marka uurku yaryahay , dhiigaan waxaa keena ukunta bacrimintay ee ku dhegtay derbiga ilmo galeenka.

Isbadallada hoormoonada

Galmada

infekshan

Dillaaca xididada, marka ilmuhu weynaanayo ilmo-galeenkuna wuu koraa taasoo keeni karta in xididada yaryar ee dhiigga qaada ay dillaacaan.

In ilmuhu ku abuurmo banaanka ilmo galeenka

Dilanka ilmaha

Gabadhaan isku aragta dhiigga waxaa haboon inay nasato, oo ay socodka xadido, islamarkaana ay ka foogaato inay qaado waxyaabaha culayska ah.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Xamar
Mogadishu
BANADIR