News Gurbiye

News Gurbiye

Share

News Gurbiye

16/09/2026

Hadalka kaso yeeray Cali balcad muxu kula yahay ?

16/09/2026

150Kun oo dagaalyahan ayay Xuutigu ku galeen xeebaha Makhaa iyo Mayuun!

16/09/2026

Wu iga qosliyay,xasan Shekh wa ciyaal weero caadi ah ๐Ÿ˜‚

16/09/2026

Masha Allah

16/09/2026

Xaaladda waddooyinka Muqdisho iyo dadweynihii oo waayay meel ay u maraan goobaha ganacsiga iyo xarumaha caafimaadka ka dib roobab xoogan oo xalay ilaa saakay ka Daโ€™aya Magaalada muqdisho.

15/09/2026

Aqoon-yahan Xanaan maxay ka dhahday cadaawada carabta ay inoheyso

15/09/2026

Ninkii QoorQoor ahaa wuxu taganyahay Deef waa booday hadiiba Cali guud laabo lasoceliyay aniguna wan joogaya ๐Ÿ˜‚

15/09/2026

Maxamed bin Salmaan oo Masar taageero militari ka doontay

Xaalka dhaqaale iyo kan militari ee reer ibnu Sucuud oo ka sii daraya maalinba maalinka ka danbeeya, garabna ka waayey Mareykanka ayaa maanta booqanaya Masar. Wararka ka soo baxaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in Bin Salmaan uu wajahayo xaalad daran kaddib markii Yaman iyo Iran ay gaarsiiyeen in uu waayo meel uu ka dhoofiyo shidaalka, taasina ay keentay in Sucuudigu uu Baanka Addunka ka dalbado amaah dhan balaayiin doolar.

Bin Salmaan oo h**e Yhda taageero ayagana uga codsaday ayaa shalay taageero lagu sheegay sirdoon ka helay Yhda, laakiin Mareykanka ayaan weli u fidin gacan difaac, taas oo loo fasirtay tabar-darro soo foodsaartay Mareykanka dagaalka Iran darti.

Photos from News Gurbiye's post 15/09/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐‚๐š๐ฉ๐ข๐ญ๐จ๐ฅ ๐‡๐ข๐ฅ๐ฅ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐›๐ง๐จ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง ๐‚๐จ๐ง๐ ๐ซ๐ž๐ฌ๐ฌ-๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta booqday Xarunta Congress-ka Maraykanka (United States Capitol Hill) oo ah goobta ay ku shaqeeyaan Xildhibaannada Aqalka Sare (Senate) iyo kuwa Golaha Wakiillada (House of Representatives), halkaas oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay xubno ka tirsan Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid yihiin Xildhibaan (Congressman) John Rose (R-Tennessee) iyo Xildhibaan (Congressman) John Moolenaar (R-Michigan).

Madaxweynaha iyo xubnaha Congress-ka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka, iyaga oo si gaar ah u taabtay arrimaha amniga, iskaashiga istiraatiijiga ah, ganacsiga, maalgashiga iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa adkeeyey muhimadda ay Somaliland u leedahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isaga oo tilmaamay in juqraafi ahaan Somaliland ay ku taallo meel muhiim u ah ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo danaha istiraatiijiga ah ee muhiimka u ah dalka Maraykanka.

Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa carrabka ku adkeeyey in Somaliland doonayso iskaashi ku salaysan dano-wadaag, masuuliyad iyo natiijooyin la taaban karo, gaar ahaan horumarinta iskaashiga amni, ballaadhinta ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga Maraykanka iyo xoojinta xidhiidhada dhaqaale.

15/09/2026

Adan Sahan tolow maxa lagu haysta ayay kula tahay?

Category

Website

Address


Mogadishu