Birkaan News
Isha warka dhabta ah iyo falaqeyn xaqiiqad ku dhisan. A source of reliable news and fact-based analysis.
مصدر للأخبار الموثوقة والتحليلات القائمة على الحقائق.
DEG-DEG: 3 Musharax oo kamid musharaxiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si cad ugu hor yimid Guddiga Doorashada ee la magacaabay, iyo eedaymo Culus oo ay u jeediyeen.
26/07/2026
Xarunta ololaha doorashadda Guddoomiye Sadad Alio waxay si rasmi ah u cadeeynaysaa in lasii laba jibaarey campainkii musharraxa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS maadaama waqtigu gabaabsi yahay, gudiga joogtadana ay mudeeyeen waqtiga oo furmi doonno Barlamaanka.
Xarunta ololaha doorashadda Guddoomiye Sadad Alio waxay labaatan iyo afarsaac qaabilaysaa xildhibaanadda Guddoomiye Sadad Alio, ayaana kusoo dhoweynaya Mudunayaasha.
Barlamaan Mideysan Iyo Soomaaliya oo horumarsan.
25/07/2026
Guddoomiye Dhaayow Ibraahim Aadan ayaa magaaladda Mugadishu kula-qaatey kullan isugu jirey soo dhoweyn, iyo isxog-wareysi, dhalinyaradda, odoyaasha, waxgaradka, iyo aqoonyahanadda beesha Geedfadde, Guddoomiye Dhaayow ayaa si weyn lloogu xasuustaa waxqabadkiisa intii oo hayey xilalkii Guddoomiyaha arimaha Bulshadda Gobolka Baay iyo Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmadda Buurhakaba..
12/07/2026
The Emir Who Deposed His Father
Doha, Qatar: Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani passed away today.
Sheikh Hamad is widely remembered for the bloodless coup through which he took power from his father, Sheikh Khalifa bin Hamad Al Thani, on June 27, 1995.
While Sheikh Khalifa was on a trip to several European countries, Sheikh Hamad assumed power peacefully. It has been reported that he even saw his father off at the airport before his departure, a sequence of events that drew widespread international attention at the time.
Later, Sheikh Hamad himself peacefully handed over power to his son, Emir Tamim bin Hamad Al Thani, on June 25, 2013.
Muzamil Berkan
12/07/2026
Doha: Qatar: Sheekh Hamed Bin Khaliifa Aala Thaanii ayaa geeriyoodey maanta Sheekh Hamed ayaa lagu xasuustaa afgambigii oo ku sameeyey aabihii 1995 oo xukunka kagala wareegay afgambi aan dhiig ku daadan.
Kadib safar uu Sheekh Khaliifa u aadey wadamadda yurub ayoo si nabad ah xukunka ugula wareegay isagoo markaas ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha arintaas ayaa caalamka ku noqotey mid lala yaabey oo mucjisa ahayd, hase yeeshee isagu doorkiisa si nabad ah ayoo xukunka ugu wareejiyey wiilkiisa Amiir Tamiim.
Muzamil Berkan
Siyaasi Muzamil Berkan "Wax aan Laftagareen ka diidnay Shariif Xasan ka diidnay Aadan Madoobe k**a yeeleyno. Beesha Eelay k**a qayb galayso caleema saarka Aadan Madoobe ilaa dulmigan uu wado uu ka joojinaayo".
21/06/2026
Muqdisho, Soomaaliya – Waxaa si rasmi ah loo furay xarunta dhexe ee ololaha musharraxa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadaad Cali, taasoo noqotay xaruntii ugu horreysay ee si rasmi ah loogu talagalay isku dubbaridka iyo hagidda ololaha doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Furitaanka xaruntan ayaa muujinaya heerka diyaar-garowga iyo abaabulka xooggan ee uu ku socdo ololaha Mudane Sadaad Cali, iyadoo falanqeeyaasha siyaasada ay ku tilmaameen tallaabo muujineysa qorshe cad iyo kalsooni ku aaddan guusha la filayo.
Indheer garadka siyaasada ayaa sheegay in Mudane Sadaad Cali uu yahay musharraxa kaliya ee illaa iyo hadda yeeshay xarun rasmi ah oo ololaha doorashada laga maamulo, halka musharraxiinta kale ay weli ku koobanyihiin olole hadal ah oo aan lahayn xarun dhexe oo si rasmi ah u hagta hawlahooda siyaasadeed.
Hotel Jazeera, oo loo aqoonsan yahay saldhigga siyaasadda Soomaaliya ayaa ah Xarunta dhexe ee ololaha Hon. Sadaad Cali midaas oo ka dhigan in olalihiisa ay bud dhig u tahay xarun ay ku kulmaan haldoorka siyaasada soomaaliya.
Xarunta cusub ayaa la filayaa inay noqoto meel ay ku kulmaan xubnaha Baarlamaanka, aqoonyahannada, taageerayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay uga qeyb qaataan wada-tashiyada iyo qorsheyaasha la xiriira aragtida musharraxa ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka.
Fariinta Musharaxa “Mudane xildhibaan waxaa jaanis u haystaa in aad doorato gudoon aan mekaroofanka kaa dansan”
21/06/2026
Xafiiska olalaha doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Sadad Alio ayaa si rasmi ah maanta loogu daahfuray Hotel Jazeera magaaladda Mugadisho.
Barlamaan mideysan iyo Soomaali oo horumarsan.
21/06/2026
There are only a few days left until the official transfer of power to the Speaker of the House of Peoples of the Federal Democratic Republic of Somalia, MP Sadad Alio, and great joy and many successes await him.
20/06/2026
Waa kuma Hoggaamiyaha Loo Arko Midka Ugu Cad-cad ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka?
Muqdisho-Soomaaliya
Iyadoo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay si weyn u soo jiidanayso indhaha shacabka iyo siyaasiyiinta, waxaa isa soo taraya aragtida ah in Mudane Sadaad Aliyoow uu yahay musharraxa ugu cad-cad ee xilkan muhiimka ah.
Sadaad Aliyoow ayaa lagu tilmaamaa siyaasi leh khibrad, biseyl siyaasadeed iyo awood uu ku mideyn karo xildhibaannada Baarlamaanka muxaafid iyo mucaaradba. Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa aaminsan in uu leeyahay aragti hoggaamineed oo ku dhisan wada-tashi, daahfurnaan iyo ilaalinta sharafta Golaha Shacabka.
Doorashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Baarlamaanku wajahayo masuuliyado culus oo la xiriira sharci-dejinta, dhaqan gelinta dastuurka iyo xoojinta hay'adaha dowladnimada. Taasi waxay sababtay in dad badan ay rumeysan yihiin in Golaha Shacabka uu u baahan yahay hoggaan karti iyo waayo-aragnimo leh, waxaana inta badan magaca ugu horreeya ee la hadal hayo noqday Sadaad Aliyoow.
Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamaya in Sadaad uu leeyahay awood uu ku abuuri karo jawi wada-shaqeyn iyo isfaham, taas oo muhiim u ah xilligan dalka uu ku jiro marxalad kala guur siyaasadeed.
Iyadoo ololaha tartanku weli socdo, haddana waxaa muuqata in xiisaha doorashadan uu si gaar ah ugu wareegayo magaca Sadaad Aliyoow, oo ay xildhibaanada u arkaan hoggaamiye diyaar u ah inuu Golaha Shacabka gaarsiiyo heer cusub oo waxqabad iyo hufnaan ah.
WQ; Mustafa El Berkani.
Category
Website
Address
Makkaalmukarama
Mogadishu