Eating Healthy
Soo dhawaada , waxaynu kaga hadli doona page-keena qurxinta , cafimadka maqaarka dibada iyo gudaha jidhkaba wan rajaynayaa inaynu kala faaidaysan doono!
25/04/2024
Spinach/Koosto.
Manta waxan ka hadli doona spinach waxa af-ka qalaad lagu dhaho ama isbinaajka/koostada.
Spinach-ka waa caleen akhtar ah ee sawirka ka muuqata , waxan si kooban uga hadli doona faaidooyinka cafimaad ee kujira.
Spinach-ka waxa kubadan fiber-ka aan milmi karin kaaso siyaabo kala duwan cafimaadka kor ugu qaadi kara, faaidooyin waynna uleh dheefshiidka.
Waxay kahor tagtaa calool istaaga.
Spinach-ka waa il heersare ku ah fiitamiino iyo macdano/ (Vitamins and minerals ) badan oo ay kujiraan;
*Vitamin* *A* ; spinach waxa kubadan maadada carotenoids, kaas oo jidhku ubedeli karo vitamin A.
*Vitamin* *C* ; fitamiinkani waa antioxidant awood leh oo kor uqaada caafimaadka maqaarka iyo shaqada difaaca.
*Vitamin* *K1* ; vitamiinkan ayaa lagama maarmaan u ah xinjirowga dhiiga.
*Folic* *acid* ; sidoo kale loo yaqaan Folate ama fitamiin B9, waxay muhiim utahay dumarka uurka leh sidoo kale koritaanka unugyada ayey ka qayb qaadataa.
*Iron* ; spinach ka waa il heer sare ah oo laga helo macdantan muhiimka ah, taasoo keenta oxygen ta unugyada jidhka.
*Calcium* ; macdantani waxay lama huraan utahay caafimaadka lafaha iyo unug muhiim u ah habdhiska dareenka (nervous system), wadnaha, iyo murqaha.
Spinach-ka sidoo kale waxay ka koobantahay fitamiino iyo macdano faro badan oo kale sida potassium, magnesium, iyo fitamiin B6, iyo E.
Spinach-ka waxay wanaajisaa cadaadiska oksaydhka(oxidative stress), cafimaadka indhaha, iyo cadaadiska dhiiga(blood pressure), waxay ka hortagtaa cancer-ka.
Spinach-ka waxay caawisaa miisan ridista(weight loss), waxay kahor tagtaa wadno xanuunka iyo atherosclerosis, waxay kahortagtaa dhiig yaraanta( prevents Anaemia), waxay kamid tahay waxyaabaha dabeeciga ah ee kahor taga gabowga(natural anti-ageing properties).
‼️Warning ⚠️ /Digniin; hadii aad unugushahay dhagxaanta kelyaha , maadada oxalate ee isbiinajka ku badani waxay keeni kartaa in dhagxaan badan ay sameyso.
والعلم عند الله!
Smile more,
Stay happy,
Stay healthy!
Fadlan share dheh oo gaadhsii asxaabtaada haka faaidaystaane!
24/04/2024
Shantaada farood yeyna ku ciilin!🦋🪮Galfeedha inoo ballana hablo😂❤️
10/04/2024
Eebbe cimriga ha inoo barakeeyo. Aamiin aamiin….
Farxad iyo cafimaad inad ku ciideenban idin rajayn dhamaantiin! Eid mubarek…🦋👋🦋
23/09/2022
Faaidooyinka cinabka ayan ka hadli doona maanta iyo sababaha ay dhakhaatiirtu ugu taliyaan in lajoogteeyo cinabka;
Cinabku waxa uu kamid yahay cuntooyinka xiliga xagaaga soo go' da , oo si isku mid ah ay ujecelyihiin waayeelka iyo caruurtaba, waxa ay xeeldheerayaasha caafimaadku cadeeyeen in uu leeyahay faa'idooyin cafimaad oo tiro badan. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa faa'idooyinkaa cafimaad qaybaha ugu muhiimsan;
Cinabku waxa uu yareeyaa madax xanuunka , waxa uu xoojiyaa cafimaadka maskaxda , waxa uu ka hor tagaa cudurka maskaxda burburiya ee Alzhiemer ka qofka uu ku dhacana waxa uu noqdaa dawo wax badan ka caawisa.
Cinabka waxa kujira maaddo lagu magacaabo Resveratol oo yaraysa heerka isku dhisyada asiidhada amino ee maskaxda ee loo yaqaano peptides oo hadii ay hoos udhacaan khatar ku ah cafimaadka maskaxda.
Waxa kale oo uu waxtar lataaban karo uleeyey cafimaadka dheefshiidka , indhaha iyo aragga , in uu yareeyo xaaladaha ka dhasha xiiqda , in uu hoos udhigo heerka dufanka kujira dhiiga , in uu yareeyo asiidhka kaadida taasina ay aad ucaawiso habsami ushaqaynta kelyaha , madaama oo asiidhka kaadidu kelyaha ku badiyo culayska shaqo.
Cinabka cunistiisa oo la joogteeyaa waxa ay kahor tag utahay cuduro badan , oo ay kami yihiin in uu dib dhigo calaamadaha muujiya gabowga , waxa aanu jidhka ka caawiyaa iska difaacida cudurrada da'da ku lammaan , waxa kale oo uu cinabku ka hortag uyahay calool istaaga , timaha oo uu quwad usameeyo kala ilaaliyo daadashada , cirada oo uu hor istaago, maqaarka(jidhka) oo uu usameeyo dhalaal dabiici ah , lafaha gaar ahaan kuwa dumarka oo uu ka ilaaliyo burburka , xaaladan oo aad ugu badan dumarka.
Ugu danbayntii cinabku waxa uu dajiyaa dhiikarka , caruurta oo lasiiyaana waxa ay kahor tag unoqon kartaa cudurka dabaysha ee naafeeya ubadka...
والعلم عند الله.
Smile more,
Stay happy,
Stay healthy.
17/09/2022
Waxan manta ka hadli doonaa casharkeenii labaad; Faaidooyinka Waa Weyn Ee Midhaha Sabiibka laga helo Iyo Cudurada Ay La Dagaallamaan.....
Sabiibku waa miraha geedka canabka oo la qallajiyay iyadoo qorax loo dhigay ama lagu qalljiyay mashiinnada wax lagu qallajiyo. Sabiibka waxaa badanaa lagu macaaneeyaa cunnada mana lahan sonkor dheeraad ah oo lagu daray.
Sabiibku waa midho nafaqo badan oo xambaarsan faaidooyin aan la soo koobi karin, waxaa lagaa helaa barootiin, faybar, fitamiin C, fitamiin E, fitamiin K, fitamiin B2, fitamiin B3, fitamiin B6, folate, calcium, iron, magnesium, phosphorus iyo potassium.
Aan eegno faa’idooyinka caafimaad ee midhaha sabiibka:
1.Sare u qaadista caafimaadka wadnaha:
Sabiibku waa il aad u wanaagsan oo laga helo antioxidants iyo “phytonutrients” kuwaas oo ka hortaga cudurrada raaga sida wadne xanuunka iyo dhan-qalalka (stroke). Daraasad lagu sameeyay wadanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in sabiibka oo la cuno maalin kasta ay hoos u dhigto cadaadiska dhiigga. Faybarka ku jira sabiibka wuxuu yareeyaa kolestaroolka xun (LDL.
Ka hortagga Kansarka:
Walxaha sunsaarista ee ku badan sabiibka waxay la dagaallamaan waxa loo yaqaanno “free radicals” ee sababa koriimada unugyada kansarka.
Ka Hortagga cudurka macaanka:
Sabiibku wuxuu aad ugu roon yahay dadka qaba cudurka sonkorowga nooca 2-aad. Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in cunista sabiibku ay 23% yareyso heerka gulukoosta cunnada kadib.
Caafimaadka caloosha:
Sabiibka waxaa laga helaa faybar, kaas oo caloosha jilciya islamarkaana daaweeya calool istaagga. Sabiibka oo maalin kasta la cunaa waxay jilcisaa saxarada waxayna caawisaa cunno shiidista.
Sabiibka waxaa ku jira barootiinka “tartaric acid” oo ah lidka hurka kaas oo wanaajiya shaqada mindhicirrada islamarkaana nidaamiya dheelitirka bakteeriyada caloosha. Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in sabiibku uu hoos u dhigo halista kansarka ku dhaca mindhicirrada waa wayn (colorectal cancer).
Ka hortagga dhiig yarida:
Sabiibka waxaa ku jira maadada xadiidka (iron) oo ka hortagta dhiig yarida iyo fitamiin B oo muhiim u ah samaysanka unugyada cascas ee dhiigga.
Suuska ilkaha:
Daraasad lagu daabacay Joornaalka Nafaqada ayaa lagu ogaaday in walxaha “phytochemicals” eek u jira sabiibku ay caawiyaan caafimaad qabka ilkaha iyo cirridka iyagoo la dagaallama bakteeriyada afka islamarkaana ka hortagga suuska ilkaha gala.
Caafimaadka indhaha:
Sabiibka waxaa ku jira “polyphenols” oo nooc maadooyinka sunsaarista ka mid ah taas oo ka hortagga dhaawaca xididada xorta ahi (free radicals) ay gaarsiiyaan indhaha. Tani waxay yareysaa khatarta cilladaha aragga lumiya sida caadka indhaha fuulo iyo xanuunka loo yaqaanno “Macular Degeneration” oo ah cillad timaadaa qofka markuu duqoobo/ gaboobo.
Gaaska:
Haddii aash*tada caloosha soo deyso ay ku badato jirka waxay keentaa xanuuno ay ka mid yihiin gaastirik iyo laab-jeexa. Sabiibka waxaa laga helaa xaddi fiican oo ah xadiid, copper, potassium, iyo magnesium kuwaas oo caawiya isku dheellitiridda heerka aash*tada caloosha. Cunista sabiibku waxay hoos u dhiigtaa laab jeexa iyo gaaska.
Caafimaadka maqaarka:
Maadooyinka kala duwan ee sunsaarista iyo nafaqada muhiimka ah ee ku jira miraha sabiibka sida macdanta zinc iyo fitamiin C waxay daahiyaan gabowga maqaarka. Sabiibka waxaa ku jirta maado loo yaqaanno “resveratrol” taas oo ilaalisa caafimaadka maqaarka. Cunista sabiibku waxay maqaarka ka ilaalisa dhaawaca qorraxdu ay gaadhsiiso.
والعلم عند الله.
Smile more,
Stay happy
Stay healthy.
Fadlan share dhe oo gaadhsii asxaabtaada haka faaidaystaane.
12/09/2022
Waxan manta ka hadli doonaa casharkeena koowaad oo quseeya biyaha iyo waxtarka jidhka ay uleeyiin;
Biyuhu waxay qurxiyaan maqaarkeena sare.
Biyuhu waxay daweeyaan xanuunkaste marka si joogto ah qofku ucabo.
Miisaanka way ridaan.
Waxay caawiyaan dheefshiidka.
Waxay nadiifiyaan , ilaaliyaan cafimadka kaliyaha.
Waxay ka hor tagaan calool istaaga.
Waxay qabtan ilaalinta xubnaha iyo unugyada.
Bakteeriyada ayey kasoo saaran kaadihaysta.
Waxay ku ilaalinaysaa tamarta.
Waxay caawiyaan wareega dhiiga.
Culimada sayniska iyo injineerada , dhakhaatiirta caafimaadka ayaa ku taliya in si maalin leh qofka raga ahi uqaato qiyaastii ilaa 15.5 koob (3.7) litres, qofka dumarka ahna 11.5 koob (2.7) litres oo biyo ah
F.G: Jidhkeena %60 waxa la sheega inuu biyo ka samaysanyahay, hadaba ahow qof naftiisa daryeela biyaha jidhku ubaahanyeyna caba.
العلم عند الله.
Smile more,
Stay healthy,
Stay happy.
10/09/2022
Kusoo dhawaada page-keena.
Waxan rajaynayaa inan kala faa'idaysan doono.
Bartan waxan kusoo gudbinayaa waxa an xiisayn jiray inbadan ka hadalkooda oo ah qurxinta iyo cafimadka jidhka si dabiiciya waliba.
Smile more,
Stay healthy,
Stay happy...😊
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Website
Address
Istanbul
34290