Ila Faaidayso

Ila Faaidayso

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ila Faaidayso, Health/Beauty, Istanbul.

14/01/2024

BismiALLAH❤️

🌺Rajab bilow beerashada
🌺Shacbaana Waraabi
🌺Si aad Ramadaan ugoosato.

ALLAH ha ina gaarsiiyo RAMADAAN.

18/06/2023

❤🌷Camada wanaagsan een uga faaidaysanayno maalmahan qaaliga ah waxa ka mida:👇

IIla Faaidayso

18/06/2023

BismiALLAH😊
Waxaan inoo bilaabmaya
10ka maalmood ee uhooreya Bisha Dulxijjah
ALLAH ha inagaarsiiyo hana ina waafajiyo samaynta camalada wanaagsan hana inaga aqbalo❤❤
IIla Faaidayso

24/01/2023

bismiALLAH❤️

🌺Rajab bilow beerashada
🌺Shacbaana Waraabi
🌺Si aad Ramadaan ugoosato.

ALLAH ha ina gaarsiiyo RAMADAAN.

22/01/2023

BismiALLAH❤️

Caawa waxaa inoo bilanaya bishii RAJAB oo ah:
♥️Bil kamida bilaha Xurmada leh
♥️Bilahaas oo camalada wanaagsan ee la qabtaa ajarkoodu badanyahay
♥️Sidoo kalana dambiyada aad samaysaa ka culus yihiin bilaha kale
♥️Malaha cibaado ugaar ah oo ay kaga duwantahay bilaha kale.

QAAR KAMIDA DHACDOOYINKII TAARIKHDA DIINTEENA ISLAAMKA EE DHACAY BISHAN RAJAB OO KALE WAXA KAMIDA:

♦️Bishii RAJAB Sanadkii 10aad ee NABINIMADA"HIJRADA KAHOR" waxaa dhacay ISRAA WALMICRAAJKII
♦️Bishii RAJAB Sanadkii 15aad ee NABINIMADA waxa dhacay HIJRADII 1AAD ee ay muslimiintu ku tageen dhulka XABASHA
♦️Bishii RAJAB Sanadkii 2AAD ee HIJRADA waxaa la badalay QIBLADII oo laga soo badalay BAYTUL MAQDIS shaam loona badalay MASJIDUL XARAAM makka
♦️Bishii RAJAB Sanadkii 9AAD QASWATU TABOOK
♦️Bishii RAJAB Sanadkii 583 ee HIJRADA waxay muslimiintu soo celishadeen BAYTUL MAQDIS isaga oo uuhogaaminayay SALAAXUDIIN AL AYUUBI kadib 88sano oo ay gaaladu haysteen........iyo dhacdooyin kale.

ALLAH ha ina gaadhsiiyo RAMADAAN😊🤲❤️.
👍Ila Faaidayso

22/01/2023

BismiALLAH❤️

Qodobadan hoos ku xusan ku darso caadooyinkaaga maalinlaha ah noloshaada ayay u badali doonaan si wanaagsan bi idniALLAH:👇👇
pagekena🤍Ila Faaidayso

05/01/2023

BismiALLAH❤️

Caqli gal ma tahay inaga oo ah umadii AKHRISKA oo AAYADII ugu horaysay ee loo soo dejiyaa ay tahay "اقرا",
hadana aynu noqono dad intooda badan aan waxba akhrin!.

Akhrisku waa furaha cilmiga iyo aqoonta
Akhrisku waa kobcinta caqliga
Akhrisku waa quudka ruuxda
Akhrisku waa caado wanaagsan una baahan inaan ku darsano caadooyinka maalinlaha ah joogtaynana, sidaa darteed ku bilow kitaabada fudud eed jeceshahay.

Akhrisku aynu ka hadlayno waa marxalada 3aad
ta 1aad waxa leh inaan akhrino QUR'AANKA KARIIMKA,
ta 2aadna waxa leh Waxbarshadaada iyo takhasuskaga.

Walaalaha Groupka Ila Faaidayso waxaynu isla bilaabayna inaynu Akhrino bishii 1buug bi idniALLAH.
waxaynu ku bilaabanaynaa buugan أنتِ أيضاً صحابية
oo aad qiima badan aadna uxiisa badan inaga ka haween ahaan aad inoo anfacaya.

Hadaba nagu soo biir Groupkeeena Telegram oo u gaar ah dumarka linkigan hoos ku qoran,si aynu uwada faaidaysano bi idniALLAH.
Telegram Ila Faaidayso: https://t.me/+XLtvIsskBAw1ZTk0
Mahadsanidin.

04/01/2023

BismiALLAH❤️

Maxaan ka bedali karnaa nafaheena??
Qofku wuxuu ka kooban yahay dhinacyo badan, sidaa darteed xoogaga oo dhan ha saarin hal dhinac inta kalana ha ka tagin.

wakhtigii NABIGEENA {SCW} gabadhii cibaadada badnayd hadana naarta gashay sababtu waxay ahayd inay dadka dhibi jirtay.
Ma jiro qof dhamaystiran mana jiro qof wada xun lakiin isku day inaad dheeli tirto, oo inta aad kuwanaagsan tahayna sii wado intii aad ku liidatana aad wanaajiso.

Markii uu booqday Saxaabigii SALMAAN AL FAARISI {RC} saxabigii ABA DAR'DAA {RC} Wuxu ku dhahay hadal aad uqiima badan oo uu NEBIGEENUNA {SCW} KU raacay oo ahaa
"SHAY WALBA XAQIISA SII".
Micnaha guud waxa weeyi isku day dhinac walba oo noloshaada ah inaad wanaajiso.

ALLAHA xaaladaha badaloow ubadal xaaladaheena sida ugu wanaagsan.
Ila Faaidayso

03/01/2023

BismiALLAH😊
Salamucalaykum🍁,

Dhamaanten waynu jecelnahay inaan samayno isbadalo wanaagsan, una gudubno marxalad ka wanaagsan tii h**e.
hadaba waxa jiro QAACIDOOYIN ama XEERARKA isbadalka, waxanay kaa caawin doonan inaad ku guulaysato isbadaladaada wanaagsan bi idniALLAH waxayna kala yihiin:
✅GARO
✅QIRO
✅GO'AANSO
✅JOOGTEE.

Ila Faaidayso

13/08/2022

BismiALLAH ❤

"Marwalba ood furaashkaga kusii jiifsanayso,
Xasuuso in jireen dad ehlu jana ahaa oo
Aanu samayn jirin camalo badan
Lakiin waxay ahaayeen kuwa qalbiyadoodu nadiif nadiif yihiin oo aan seexan habeenki iyaga oo qof xumaan u haya.!"

Micnaheedu ma aha yaynaan camal wanagsn oo badan samayn ee waa in ay aad muhiim utahay laabxaadhnimada iyo qalbi wanaago❤

ALLAH ha inagu arzaaqo.

13/08/2022

BismiALLAH❤
‏" بر الوالدين : دِين ودَين ..
فالأول يأخذك إلى الجنة ..
والثاني يرده لك أبناؤك " ♥️

"Baarinimada waalidku waa DIIN iyo DEYN:
🌷Ta h**e janada ayay ku gaynaysaa,,
🌷Ta 2aadna Awlaadada ayaa kusoo celinaya"❤

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Istanbul?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Istanbul