Arofag Primary and Secondery School

Arofag Primary and Secondery School

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Arofag Primary and Secondery School, Health/Beauty, Bal, ad, Middle River, MD.

06/26/2026

Hambalyo 26-ka Juun!

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda sannad-guurada 66-aad ee 26-ka Juun 1960, maalintii ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

26-ka Juun waa maalin taariikhi ah oo xambaarsan halgan, geesinimo iyo waddaniyad, waana xusuus qiimo weyn u leh dhismaha qarannimada Soomaaliyeed.

Ilaahay ha u naxariisto halyeeyadii naftooda u huray xorriyadda dalkeenna, hana inagu gallado nabad, midnimo iyo horumar.

Hambalyo Maalinta Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

06/26/2026

Hambalyo 26 June ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Waxaan dhammaan ummdda Soomaaliyeed ugu hambalyaynaynaa munaasabada 26-ka Juun oo ku beegan 66 guuradii ka soo wareegatey markii ay Gobolada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska oo ah maalin qiima weyn ugu fadhida gobannimada iyo midnimada dalkeenna Soomaaliyeed.

Hambalyo!
26 Juun 1960 โ€“ 26 Juun 2026 ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Photos from Arofag Primary and Secondery School's post 06/18/2026

Dabaal-degga Qalin-jabinta Fasalka 8-aad ee Dugsiga Hoose Dhexe ee Carofaag

Maanta waxaa si farxad iyo sharaf leh loo xusay dabaal-degga qalin-jabinta ardayda fasalka 8-aad ee Dugsiga Hoose Dhexe ee Carofaag. Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu maamuusay dadaalka iyo guusha ay ardaydu gaareen intii ay ku jireen waxbarashadooda dugsiga dhexe. Waxaa ka soo qayb galay maamulka dugsiga, macallimiinta, waalidiinta iyo marti sharaf kale.

Maamulka dugsigu waxay hambalyo iyo dhiirrigelin u jeediyeen ardayda qalin-jabisay, iyagoo ku boorriyay inay sii wataan waxbarashadooda una gudbaan heerarka sare ee aqoonta. Sidoo kale, ardaydu waxay u mahadceliyeen macallimiintooda iyo waalidiintooda kaalintii ay ku lahaayeen guushooda.

Waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan ardayda qalin-jabisay, waxaana u rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn. Hambalyo Fasalka 8-aad ee Dugsiga Hoose Dhexe ee Carofaag! ๐ŸŽ“๐ŸŽ‰๐Ÿ“š

Photos from Arofag Primary and Secondery School's post 06/18/2026

๐€๐ซ๐›๐š๐œ๐จ, ๐——๐—ฒ๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ Balcad โ€“ ๐Ÿ๐Ÿ•-๐‰๐ฎ๐ฎ๐ง-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Dugisga Hoose Dhexe Sare ee carofaag
Ayaa maanta si guul leh ugu soo gabagabooyay waa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe,.
Ardayda iyo maamulka iyo macallimiinta ayaa si wadajir ah u dabaaldegay

-๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐——-

06/16/2026

Hambalyo Sannadka Cusub ee Hijriyada 1448

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda bilowga Sannadka Cusub ee Hijriga 1448 u diraysaa dhammaan bahda waxbarashada, waalidiinta, ardayda, macallimiinta, maamulayaasha dugsiyada, masuuliyiinta jaamacadaha, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxa ay Alle SWT ka baryaysaa in sannadkan cusub uu noqdo mid barwaaqo, horumar iyo guulo u horseeda ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabaddan qiimaha leh awgeed, Wasaaraddu waxa ay bulshada Soomaaliyeed ku boorrinaysaa inay sii xoojiyaan qiimaha aqoonta, wadajirka, is-ixtiraamka, iyo dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed, maadaama waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka iyo mustaqbalka ummadda.

Sannad Wanaagsan!

ูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ

Photos from Arofag Primary and Secondery School's post 06/15/2026

๐Ÿ๐Ÿ“/๐ŸŽ๐Ÿ”/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“
๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐Ÿญ-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ: ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—น ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ-๐—ด๐—ฎ๐—น ๐—”๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ต!
Alxamdulillaah, maanta waxaa si habsami leh noogu soo idlaaday maalintii 1-aad ee Imtixaanka Shahaaddiga ah ee Fasalka 8-aad ee Hirshabelle.
Waxay ahayd maalin weyn oo ka tarjumaysa dadaalkii, dhabar-adeeggii iyo tacabkii dheeraa ee ay soo mareen ardaydeenna sanadahan oo dhan.
Hambalyo dhammaan ardayda Hirshabelle
Ilaahay imtixaanka ha u wada fududeeyo, guul dhalaalaysana ha uga dhigo (Aamiin)

06/11/2026

Tacsi: inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

Anagoo ah macallimiinta iyo maamulka iskuulka carofaag waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyska reer xasan maxaa saalax oo ay ka baxday hooyo muumino cumar hilowle oo maanta ku geeriyootay magaalada dubai ee dalka isu taga imaaraadka carabta.

Waxaan alle u weydiineynaa hooyo muumino in uu qabriga alle waasac uga dhigo familkana samir iyo iimaan alle ka siiyo aamiin aamiin.

Adeer Yusuf Hassan adeer Faysal Abdulle iyo eedo Liin Mohamed. Iyo dhamaan reer xasan maxamed saalax. Dal iyo dibad meeley joogaanba.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Middle River?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address


Bal, Ad
Middle River, MD
2863

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Arofag Primary and Secondery School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Middle River.