Khaliil Husien
khaliil Husien
19/08/2022
Nin sharci yaqaan ah oo lacag badan boorso ku watay iyo gabar qurxoon ayaa diyaarad wada saarnaaa.
Gabadhii si cod hoose leh ninka ayay ku tiri si aan qaylo iyo is waal ku jirin isii lacagta aad wadato oo dhan haddii kale waaan qaylinayaa waxaana leeyahay ninkaan wuu i kufsaday waana ku ceebaynayaa booliska ayaana imaanayo waana lagu xirayaa.
Ninkii sharci yaqaanka ahaa qalin ayuu soo saaray kadibna warqad ayuu ku qoray dhagaha waxba k**a maqlee waxaad tiri ii qor aan fahmee!
Gabadhii waxay qortay hadalkii ay tiri,asagiina warqaddii ayuu ka qaaday jeebka ayuu gashtay wuxuuna yiri qayli hadaad rabtid caddeyntaada jeebkaan ku hayaaaye!
Luqmaan Aadan
Maxaa yaab isdabayaal
03/08/2022
Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay Sucuudiga ayaa Boggiisa Facebook waxa uu ku soo qoray "Waxaan degay mid ka mid ah Hoteellada 5 xiddiglaha ah ee waddanja Japan, anigoo ku dabaalanaya Barkadda Dabaasha Hoteelku leeyahay oo cidina aysan ila joogin ayaan ku dhex kaadiyay barkaddii dabaasha, Alarm ayaa yeeray waxaana yimid shaqaalihii Hoteelka barkaddii ayay iga soo saareen, biyihii oo idil ayayna ka saareen swimming pool-koo wayna nadiifiyeen, kaddib ninkii shaqaalaha ahaa ee qaabilsanaa soo dhoweynta ayaa isiiyay baasaboorkeygii isagoo igu amray inaan Hoteelka isaga tago, waan ka tegay laakiin mar walba oo aan Hoteel kale kireyso is iraahdo waxaa la ii soo celiyaa baasaboorkaygii, waxaana la igu yiraahdaa sow adigu ma tihid ninkii....
Dhowr Hoteel oo aan isku dayay inaan seexdo waa la iga diiday iyagoo iila dhaqmaya isla sidii... kaddib waxaan maciin biday safaaraddeydii, waxaana ay igula taliyay inaan d**o Hoteel aan Barkad dabaal lahayn.. intaa kaddib markii aan ka soo tegayay Japan nin ka mid ah raggii ka shaqeynayay socdaalka iyo baasaboorrada ayaa markii uu tiimbareeyay baasaboorkaygii wuxuu igu yiri ; waxaan rajeynayaa inaad wax ka faa'iideysatay cashirkii laguu dhigay!!!!"
Macnaha Japan idilkeed way ogaatay inuu isku kaadiyay.
شاب سعودي يتبول تحت الماء في مسبح بفندق ياباني, انظروا ماذا حصل له.
# شاب سعودي كتب على صفحته في الفيس بوك : ( كنت نزيلا في أحد فنادق الخمسة نجوم باليابان وبينما أنا في المسبح التابع للفندق الذي لم يكن فيه أحد غيري تبولت تحت الماء، عمل جهاز الإنذار وحضر العمال واخرجوني من المسبح وافرغوا الماء ونظفوه، بعدها سلمني موظف الإستقبال جواز سفري طالبا مني مغادرة الفندق، غادرت الفندق وكلما دخلت فندقا اخر يطلع موظف الاستقبال على جواز سفري ويقول لي : " اسف أنت الذي .... " إ ولا يسمح لي بالنزول، حاولت في عدة فنادق وكانت نفس المعاملة فلجأت إلى السفارة الذين بدورهم نصحوني بفندق ليس فيه مسبحا وعند مغادرتي لليابان قال لي موظف الجوازات بعد أن ختم جواز سفري " ارجو أن تكون استفدت من الدرس " ).
اليابان كلها عرفت انه باااااال.
YAHYA YUSUF
maxa helay
28/07/2022
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegatay in Alshabaab firxad ah oo ka cararaysa Madaxweynaha Hassan Sheikh & dawladda cusub ee Soomaaliya ay u galeen Dawlad Deegaanka Soomaali Galbeed.
Hadalkan oo uu saxaafada u sheegay Abdikariin Ali Kaar, Afhayeenka Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa ka dhigan in Alshabaab ka cabsanayso Madaxweyne Hassan.
Maxay kula tahay.?
12/07/2022
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa kala saxiixday Is afgarad ka kooban 7 Qodob, ka hor intii uusan dib ugu laaban Xassan Sheekh magaalada Muqdisho ee caasumada.
Qodobadan ayaa h**ey u aha kuwii uu saxiixay Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Max’ed Farmaajo.
1. Dhiirigelinta Xariirka walaalnimo ee labada shacab ee Eritrea iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan bulshada Qurba-joogta.
2. Adkaynta iskaashiga siyaasadeed, midka diblomaasiyadeed si horay loogu wado maslaxada labada wadan ee Eritrea iyo Soomaaliya.
3. Balaarinta Iskaashiga Dhaqan Dhaqaale ee labada dal, iyadoo si gaar awood loo saarayo ganacsiga, Maalgashiga, Amniga biyaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Caafimaadka iyo Waxbarashada.
4. Isdhaxgalka iskaashiga Farshaxanka, Ciyaaraha, dhaqanka, teknoolijaga iyo Saynis-ka.
5. Iskaashoga lagu ilaalinayo Bey’adda iyo xallinta dhibaatooyinka ka dhasha Isbedelka Cimilada.
6. Sare u qaadida iskaashiga Difaaca iyo Nabadgelyada si Nabadda iyo xasiloonida loo ilaaliyo.
7. In laga wada shaqeeyo xariir-wanaagsan iskaashi iyo isku furnaanta dhaqaale ee Geeska Africa.
10/07/2022
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Ciidankii Soomaaliya ee tababarka u joogey gudaha dalka Eritrea.
Waa ciidankii ugu badnaa ee dal shisheeye u tababaro dalka Soomaaliya.
DEGDEG: Raysal Wasaaraha UK Borris Johnson ayaa is casilaya, kadib markii uu waayay kalsoonida Wasiirrada iyo xildhibaannada.
02/07/2022
Markii ay Daafacyada Premier league maqleen Mohamed Salah ayaa sii joogay Liverpoool oo heshiis cusub u saxiixay
30/06/2022
Mo Salah and Gini Wijnaldum back together! 😍 cabsi cabsi waye
30/06/2022
Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Madaxtooyada (Qeybta Caafimaadka) Villa Soomaaliya Xuseen Maxamuud ayaa la wareegay xilkan, ka dib maalmo laqarinayay wareegtada magacaabidiisa, wuxuuna qeyb ka yahay xilal badan oo si qarsoodi ah loo magacaabay, kuwaas oo aan faafinta rasmiga ah ee dawladda lagu baahin.
Masuulka, cusub waxaa hooyo u ah ama dhashay Marwo Nuurto Sheekh Maxamuud oo ah walaasha Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo muujinaysa in ay jiraan xubno ka mid ah qoyska Madaxweynaha oo shaqooyin badan loo magacaabay.
Xassan Cali Guray ayaa xilka wareejiyey saaka, waxayna wareejintu ayaa ka dhacday Villa Soomaaliya.
25/06/2022
QODOBADA UGU WAAWEYN EE QUDBADDA RA’IISUL WASAARE XAMSE CABDI BARRE
Wuxuu ka mahadceliyay in Madaxweynuhu ku aaminay masuuliyadda qaran – si uu uga qayb qaato dadaalka lagu samatabixinayo dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in noloshiisa dhinac aqoon, waxbarasho, iyo mid khibradeedba ku soo kasbaday xirfado kala duwan oo uu intooda badan bulshada ugu soo adeegay
Inuu ahaa Macallin wax ka soo dhigay Jaamicadaha dalka – ka soo shaqeeyay xafiisyada dowladda heer federal iyo mid gobolleedba, kana soo qaybqaatay geeddi socodka dib u dhiska dalka.
Wuxuu sheegay in dalku wajahayo abaar ba’an oo barakicisay kumanyaal Soomaaliyeed – in aan dhammaanteen u guntanno sidii loo gacan siin lahaa dadka ay saameysay abbaarta
Wuxuu hawlgelin doonaa Xarunta Degdegga ah ee Qaranka (National Emergency Operation Center) oo isku xiri doonta dhammaan xaaladdaha degdegga iyo hawlaha gurmadka.
Inuu ka shaqeyn doono xaqiijinta siyaasad xasilloon oo loo wada dhan yahay.
Inuu si dhaqso ah u billaabi doono wada tashiyo ballaaran oo uu la yeelan doono gollayaasha dowladda iyo qaybaha bulshada.
Inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, laguna soo xulay aqoon, karti hufnaan, khibrad iyo waaya aragnimo.
Wuxuu ka duuli doonaa halku dhegga Madaxweynaha ee “Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La ah”
In xukuumaddiisu ay horumar ka sameyn doonto 11 arrimood oo kala ah:
1. Amniga
2. Garsoorka iyo Caddaaladda
3. Abaaraha
4. Dib U Heshiisiinta
5. Wada hadallada Somaliland
6. Dimuqraadiyaynta iyo Arrimaha Doorashooyinka
7. Dhaqaalaha
8. Maamul Wanaagga iyo Isla Xisaabtanka
9. Qabyo-tirka iyo Dhameystirka dastuurka
10. Adeeygada Bulshada
11. Siyaasadda Arrimaha Dibedda oo ku dhisan danta dalka
Waxaa qoraalkan soo koobay Farxaan Jimcaale
Click here to claim your Sponsored Listing.
Website
Address
Green Point